Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Qofkii 4aad ayaa Gudaha Somaliland maanta u geeriyooday Xanuunka Covid-19 siday Xaqiijisay Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland
Agaasimaha guud ee Waasaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ,Dr Maxamed Cabdi Xeergeeye oo warbaahinta kula Hadley Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in maanta 11- qof oo cusub oo laga helay xanuunka Corona Virus.
Dr Xergeeye ayaa ayaa sheegay in qofkii afaraad uu u geeriyooday Cudurka islamarkaana ay korodhay tirada dadka la karantiimay.
Tiradda guud ee ilaa hadda xanuunka laga helay Gudaha Somaliland ayaa wasaaraddu ku sheegtay in ay dhan tahay 34 qof , iyada oo afar qof oo kamid ahi ay Dadkaasi ay geeryoodeen