Jabuuti (RH)-Magaalada Jabuuti ee caasimadda Jabuuti, waxaa maanta oo Axad ah ka furmay kulan ay ku wadahadlayaan wafuud culus oo ka kala socota Soomaaliya iyo Somaliland oo ay kala hoggaaminayaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.
Kulankan ayaa waxaa kale oo goob-joog ka ah ra'iisal wasaaraha Itoobiya, iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle oo madaxda casuumay.
Kulanka ayaa ah mid alaabada u xiran, waxaana loo diiday saxaafadda in ay goob-joog ka ahaadaan.
Mana cadda wax yaabaha kulanka looga hadlayo, waxaase muuqata in kulanka uu yahay mid si weyn looga soo shaqeeyay waayo marka aad aragto wafuuda labada dhinac kala matalaya.
Dhinaca kale, sawirro la soo dhigay barta Twitterka madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu sheegay in kulankan uu yahay mid yahay mid looga hadlayo wadatashiyo ay yeelanayaan madaxda Soomaaliya iyo iyo Somaliland.
Si kastaba, waxaa muuqata in kulankan dhinaca Soomaaliya aysan ka muuqan shaqsiyaad ka socda dhinaca Somaliland, taasoo u muuqata in laga dhabeeyay dalab ay dhowr mar madaxda Somaliland ay u codsadeen in aan laga soo qeybgalin shirarka labada dhinac.
Dhinaca kale, madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe loo aqoonsaday inuu yahay madaxweyne ku-meel gaar ah, waxaana uu madaxweyne uu noqon doonaa muddo labo sanno laga billaabo markii dib loo doortay.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia