Muqdisho (RH)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka soo horjeystay xeerarka maalamahan xildhibaannada golaha shacabka ay ka doodayeen oo ay ka mid yihiin Maqaamka Muqdisho, doorashada kuraasta Goballada Waqooyi iyo qoondada dumarka ay ku lee yihiin baarlamaanka.
Qoraa uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi ayuu ku yiri “Waxaa dhacday in dukumiinti ka duwan nuqulkii loo soo gudbiyay Guddoonka Labada Aqal ee BFS ee la xiriira afartii xeer ee ay soo diyaareen Guddiga Wada-jirka ahaa loo qaybiyay mudaneyaasha Golaha Shacabka 17 June 2020, ka doodistiisana ay haatan ka socoto Golaha Shacabka, laguna baahiyay warbaahinta Dalka.”
Cabdi Xaashi ayaa ku eedeeyey guddoonka Golaha Shacabka inay qaateen wax uu ugu yeeray go’aan siyaasadeed.
“Guddoonka Golaha Shacabka waxay qaateen wax aan ku tilmaami karno go'aan siyaasadeed oo sharciyadda ka dilaya nidaamka doorashada Dalka, isla markaana dhaawacaya nidaamka xeer-dejinta Dalka ee ku qeexan Madaxa Aafraad, Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah, kaas oo xeerinaya habraaca xeer dejinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri.
“Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare isaga oo ka digaya cawaaqibka ka dhalanaya falka ka-been-abuurista Afarta deer ee kor ku xusan, wuxuu u soo jeedinayaa Guddoonka Golaha Shacabka in si deg-deg ah dib loogu noqdo nuqulkii asalka ahaa ee Guddiga Wadajirka ahi u soo gubiyeen Guddoonka Labada Aqal ee BFS, lana maro habraaca dastuuriga ah ee xeer-dejinta dalka.”
Ugu dambeyn, qoraalka Cabdi Xaashi ayuu ku yiri:“Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka in aysan doorashada Qaran 2020/2021 u isticmaali karin go'aan kasta oo ka soo baxa Golaha Shacabka oo si gaar ah ugu saabsan afarta xeer ee laga been abuuray, Inta laga saxayo qoraalka Afarta Xeer ee loo qaybiyay xubnaha Golaha Shacabka lana marayo habraaca xeer-dejinta dastuuriga ah ee dalka.”
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia