RH: Haweeney haysata jinsiyada Ingriiska ayaa dooratay inay boorsada kasoo buuxiso wax aan dhaqan ahayn. Taas oo horseeday in maanta lagu xidho isla markaasina dacwad lagu soo oogo.
Waxaa lagu qabtay shandad ay ka buuxaan malaayiin lacag kaash ah, oo ay rabtey in ay ka qariso shaqaalaha madaarka London sidaas waxaa qortay Nypost.
Haweenaydan ayaa sidatey kudhowaad 2.5 milyan oo lacagta Ingiriiska ah, oo u dhiganta 20.5 milyan oo Denish koron, iyada oo lacagta ukala qaybiyay shan shandadood ama boorso.
Haweeneydan oo 30-jir ah ayaa lagu magacaabaa Tara Hanlon, waxaaney saaka ka ambabaxeysay garoonka diyaaradaha Heathrow- London kuna sii jeeday Dubai, markii ay boorsooyinka raraneysay waxey isu ekaysiisey in ay wax waliba caadi yihiin . Laakiin ma ay shaqeyn qorshaheedaasi.
Waxaa hadda lagu soo oogay dacwad la xidhiidha lacag dhaqid, sida ay masuuliyiintu sheegeen, waa lacagtii ugu badneyd ee lagu qabto xadka garoomada diyaaradaha eeUK sannadkan 2020.
Haweeney kale oo la socdotay iyada ayaa iyana tuhmaad lagu xidhay,laakiin baadhitaan kadib waa la sii daayey.