Abwaanka Sameeyay heesta caanka ah ee Soomaalinimo. Maqal wareysiga iyo heesta

Magacaygu waa Cali Sh. Maxamed Cabdi, oo ku magacdheer Cali Ileeye. Waxa aan ahay qoraa, abwaan, turjumaa iyo nuxur-abuure. Waxaan ku dhashay agagaarka degmada Balligubadle, ee koonfurta magaalada Hargeysa, dabayaaqada sannadkii 1990-kii.

Kaydka afeed ee sahayda ii ah, waxa aan kala imi kanbalkii aan ku soo barbaaray, oo ahaa mid kulmiyay bar xoolaad iyo beer qodaal. Geel, lo’, adhi iyo digaagba qoyskayagu wuu dhaqdaa. Galley, garow, digir, xabuub (yaanyo) iyo xabxab (qare) ayaanu beerannaa. Sida oo kale gadaal waxa laga beeray geed khudaareed sida canbe laf, liin dhanaan, xamar (raqay), babbaay, rummaan, saytuun iyo qaar kale.