Warar

Raaso (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Raaso ee gobolka Afdheer ee dowlad deeganka Soomaalida, ayaa sheegaya in la go'aamiyay qiimaha guurka.

Waxaana soo baxaya warar sheegaya in qiimaha Guurka laga dhigay1000 Bir ah oo u dhiganta $10 (Toban Dollar).

Sidoo kale waxa meesha laga saaray yaradkii la bixin jiray, halka xoolihii la geyn jiray arooska kadibna laga dhigay Laba Neef oo kaliya.