Maxay kawada hadleen Xasan Sheekh iyo Ruto

Nairobi (RH)–Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shaley gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa la kulmay dhiggiisa Kenya William Ruto.
Sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda, labada hoggaamiye oo kulmay Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi ayaa ka hadlay arrimaha nabadda iyo amniga gobolka, iyo sidoo kale iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga.

Toddobaadkii horre, ayaa dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya waxa ay kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo kor loogu qaadayo xira sida arrimaha dibedda, wadatashiyada siyaasadda, waxbarashada, iyo difaaca.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa goob joog ka ahaa heshiisyo ay kala saxiixdeen wasiirada labada dal kuwaaso kulmay Nairobi.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo hagaageeyay labadii sanno ee la soo dhaafay, iyadoo dhinaca kale uu sii xumaanayay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia
 

Category