Waa kuma Sheekha caanka ah ee ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho (RH)-Waxaa magaalada Muqdiso ku geeriyooday Sheekh Cusmaan Sheekh Daa’uud oo ku magac dheeree Sheekh Cusmaan Xiddig oo ka mid ahaa culimada caanka ka ah dhulka Soomaalida, kaas oo dhawaanahay ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Sheekh Cusmaan Xiddig, ayaa ahaa Quraan ruug muddo ka badan afartan sano ahaa daaci iyo macallin ka shaqaynayey fiidinta diinta Islaamka.

Dadka yaqaana Sheekha ayaa ku tilmaamay inu ahaa "maktabad soconaysay".

Xalqadahii diiniga ahaa ee Sheekh Cusmaan Xiddig ku lahaa Soomaaliya waxaa ka aflaxaday dad badan oo qaarkooda hadda ah Culimo caanka ah Soomaaliya sida uu BBC-da Sheekh Maxamuud Ow Cabdulle Cariif.

Sheekh Maxamuud Cabdulle Cariif, ayaa geerida ku tilmaamay mid naxdin leh iyo qof miisaan weyn lahaa oo ka baxay diinta iyo ummada Soomaaliyeed.

“Xiddig weyn ayuu Soomaaliya u ahaa, marka geerida maanta dhacday masiibo ayey ahayd laakiin qofkasta geeridu waa haleelaysaa.”ayuu yiri Sheekh Cariif.

Wuxuu sheegay inay is yaqaaneen muddo afartan sano ka badan uuna ku yaqaaney qof u go’ay fidinta diinta iyo waxbarida dadka Soomaaliyeed.

Xalqadihii Diiniga ahaa iyo doorkiisii Macallinimo

Sheekh Cusmaan Sheekh Daa’uud, ayaa la rumaysan yahay in waxbaridiisii ardayda ee dugsiga iyo xalqooyinkiisii diiniga ahay ay soo jireen wax ka badan kon sano, kuwaas oo ay ka aflaxeen dad aad u badan sida uu BBC-da u sheegay Sheekh Maxamuud Cariif.

Doorkii uu kulahaa xalqooyinka fadhiga ahaa ee funuunka kala uu ku dhigi jiray barida dinta ayuu Sheekh Cariif ku tilmaamay inuu “Qof waqtigiis u huray diinta iyo mu’alifnimada kutub badan”.

“Fani ka mida culuumta Islaamka oo uusan akhrin jiran ma jirto Sheekhu, haday tahay tafsiirk, Axaadiista, Fiqhiga, calawiyada, wuxuu ahaa saaxiibul funuun, gaar ahaan wuxuu marin jiray oo ku sii badnaa xaga Axkaamta” ayuu yiri.

Sheekh Cafiir, ayaa intaa ku daray in ardadii uu waxbaray aan tiro ahaan la soo koobi karin ayna joogaan meelkasta oo ay Soomaalidu ku nooshay.

Kutubtii uu qoray Sheekh Xiddig

Sheekh Cusmaan Xiddig, ayaa muddo dheer ku caan ahaa soo saarista kutub kala duwan oo ku saabsan culuumta kala duwan ee Islaamka iyo wacyiga nololeed ee Soomaalida.

Sheekh Maxamuud Cabdulle Cariif, ayaa BBC-da u sheegay in Sheekhu ahaa mua’lif ku gaar ahaa soo saarista kutub badan oo ku saabsan culuumta Islaamka.

“Kitaabta uu qoray Sheekh Cusmaan, waxaa laga heli karaa dhammaaan maktabadaha caalamka Islaamka, kuwa hadda isagoo buka ayuu qoray kuwana qabyo ayey u ahaayeen” ayuu BBC-da u sheegay Sheekh Maxamuud Cariif.

Kitaabada caanka ah ee uu qoray waxaa ka mid ahaa Al-Iqnaac iyo Kibaabta kale oo uu ka qoray dhaqanka xun ee qabyaaladu leedahay.

Kutubta uu qoray Sheekh Cusmaan Sheekh Xiddig oo aad u badan waxaa inta badan laga helaa jaamacado ku yaalla dalalka Islaamka gaar ahaan jaamacada Axqaaf oo ku taalla dalka Yemen sida uu BBC-da u shegay Dr Xasan Albasri.

Waa kuma Sheekh Cusmaan Xiddig

Sheekh Cusmaan Sheekh Daa’uud oo loo yaqaan Sheekh Xiddig, waxa uu ku dashay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud sanadkii 1942-dii ku sida uu BBC-da u sheegay Dr. Xasan Al-basri oo ah hormuudka Jaamacada Caynu Xayaat ee degmada Guriceel.

Sheekh Cusmaan xiddig, ayaa yaraantiisii quraanka ku bartay deegandaas markii danbana wuxuu usoo wareegay magaalada Muqdisho.

Waxbarashadiisii diiniga ahayd intii Xamar ku sugnaaa culimadii uu ka soo loox jiitay waxaa ka mid ahaa Sheekh Xuseen Cadde oo xilligaas ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed.

Sheekh Cusmaan, wuxuu soo noqday madaxii Fatwada iyo golihii sare ee culimada Ahlu-suna waljamaaca.

Sidoo kale Sheekh Xiddig wuxuu ahaa gabyaa iyo aftahan si mugleh u yaqaanay Afk Soomaaliga.

Dariiqada Axmadiyada ayuu ka ahaa xubin weyn.

Sheekhu waxaa ka soo jeeday qoys ilaa awoowihiisa diin ku taxnaa caanna ka ahaa gobolada bartamaha Soomaaliya.

Madaxda Soomaalida ayaa ka tacsiyeyey geerida Sheekh Cusmaan Xiddig.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sheekha ku timamay inuu ka mida ahaa culimaa lafdhabarta u ahaa faafinta iyo barida diinta ummada Soomaaliyeed.

Allaha u raxmadee Sheekh Cusmaan Sheekh Xiddig ayaa lagu wadaa in maanta aas qaran loogu saameeyo magaalada Muqdisho.

Xigasho: BBC

Category