Hargeysa(RH)Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada hordhaca ah Golaha Wakiillada ee Gobolada Awdal,Togdheer iyo sanaag Iyo sidoo kale golaha deegaanka degmooyinka Burco iyo Boorama waxaanay xisbiyadu u kala heleen sidan:
Golaha Wakiillada ee Gobolka Awdal,waxaay xisbiyadu u kala heleen sidan:
Waddani: 5
Kulmiye: 5
Ucid: 3
Golaha wakiillada ee Gobolka Togdheer.
Waddani 7
Kulmiye 4
Ucid 4
Golaha Wakiillada ee Gobolka Sanaag oo tiradoodu dhammayd 12 Kursi waxaanay xisbiyadu u kala heleen sidan
WADDANI: 5
KULMIYE: 4
UCID: 3
Sidoo kale Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa soo saarey natiijada doorashadii Golaha deegaanka Degmooyinka Burco iyo Boorama
Natiijada hordhaca ah ee ee degmada Burco, waxaay xisbiyadu u kala heleen
WADDANI: 5
KULMIYE: 4
UCID: 4
Natiijada hordhaca ah ee degmada Boorama ee golaha Deegaanka waxaay xisbiyadu u kala heleen
WADDANI 5
KULMIYE 5
UCID 3
Waxaa xusid mudan in Awdal, Togdheer, Sool iyo Sanaag wadarta xildhaabadda Wakiiladda Xisbiyaddu waxa ay u kala haystaan.
Ucid: 13/Kursi
Kulmiye: 18/Kursi
Waddani: 21/Kursi
Waxaa Hadhay labadda Gobol ee Maroodi jeex iyo Saaxil oo Kuraasidda laga sugayaa yihiin 30/Kursi.
Xisbiga Waddani waxa uu hogaaminayaa Xaga Codadka Goboladda Togdheer Sanaag iyo Sool.
Halka Boorame ay qaybsadeen Kuraasida Xisbiga Kulmiye.Xisbiga kulmiye oo ah Xukumaddii waxaa uu rajo ka qabaa 30/Kursi ee yaala Labadda Gobol ee Maroodi-jeex iyo Saaxil oo ah Goboladda lagu kala baxayo Sanadkan, madaama Kuraasidda Xisbiga Waddani ku horeeyaa 3/Kursi yihiin.
Hadii Ucid iyo Waddani oo Mucaaridka ah la isku darana ay ku hogaaminayaan 15 /Kursi.
Waxa la sugaana waa Kuraasidda Goboladda Maroodi-jeex iyo Saaxil