Somaliland Tirada Dadka Laga Helay COVID-19 Oo Koradhay

Hargeysa(RH)Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in xaaladda xannuunka covid-19 ee Somaliland uu ku soo kordhay kiis Cusub oo laga helay Fayraska Covid-19 kaasi oo tiradii hore loo xaqiijiyey ka dhigaysa lix qof.

Agaasimaga guud oo ka hadlayey warbixinta maalinlaha ah ee wasaaradda horumarinta caafimaadka somaliland  ayaa sheegay in dadka ilaa hadda wasaaraddu xaqiijisay inay yihiin lix qof kuwaas oo mid ka mida  xaaladiisa caafimaad aad u wanagsan tahay oo uu ka bugsaday fayraska.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland waxaa uu sheegay in  11 qof shaybaadhkooda loo diray dalka dibadiisa si aad loogu hubiyo xaaladooda Caafimaad

 

Dr Maxamed Cabdi Xergeeye Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa sheegay in ay cudurka COVID19 ka laga baadhay dad ku dhow 150 Qof,isla markaana  xudduuda dalka lagu Baadhay dad gaadhaya 2,752 qof kuwaas oo aan lagu arag wax xumad ah iyo calaamadaha xannuunka.

Agaasimaha ayaa sheegay inay wasaaradda caafimaadku diyaar u tahay ka hortagga iyo xaalad kasta oo ka soo korodha xannuunka covid-19 sidoo kalena la waddo wacyigelintii joogtada ahayd ee bulshada looga digayey cudurkaas.

 

 

Category