Faa'iidooyinka aadan ogeyn ee uu leeyahay Shaaxa

Nairobi (RH)-Shaaxu waxa uu ka mid yahay cabitaannada ugu caansan ee laga isticmaalo adduunka oo dhan. 

Dad badan ayaa jecel in maalin kasta ay cabaan shaax oo uu yahay wax ay qabatimeen.

Shaaxu waxa asal ahaan loo tirayaa inuu ka soo baxo Aasiya, balse waxaa beeristiisa laga beeray dalka Shiinaha, kadibna waxa uu ku faafay adduunka oo dhan.

Waxaa jira lix nooc oo shaax ah, kuwaas ay kala duwan yihiin hababka loo habeeyo iyo sida loo saaro.

Noocyada Shaxaa 

1-Shaaxa cad waa mid ka mid ah noocyada shaaha ee ugu yar ee la warshadeeyay, uguna caafimaad badan. Waxaa lagu gartaa inay ka kooban tahay antioxidants badan.

2-Shaaxa jaalaha ah ayaa laga soo saaraa dhowr gobol oo Shiinaha ah, sidaas darteedna dhif iyo naadir ayaa loo dhoofiyaa.

3-Shaaxa cagaaran, wuxuu ka yimaadaa caleemaha aan oksaydhisku lahayn ee Camellia sinensis.

4-Shaaxa Oolong ama shaaha oolong, kaas oo qayb ahaan oksaydhaysan.

5-Shaaxa madow ama casaanka, oo gebi ahaanba shaaha oksaydhisku ku jiro, waxaa loo yaqaannaa shaaha cas. Sababo la xiriira midabka biyaha oo isbedelaya ka dib marka la qooyo.

6-Shaaxa Pu-erh ama Pu'er Tea, oo loogu magac daray magaalada Shiinaha ee ay ka timid, waa nooc ka mid ah shaaha khamiirsan.

Faa'iidooyinka shaaxa 

Shaaha waxa uu lee yahay faa'idooyin badan waxaana ku jira tiro badan oo ah polyphenols, kuwaas oo la dagaallama dhaawaca unugyada jidhka, sidoo kale waxa uu hoos u dhigaa khatarta cudurrada joogtada ah.

Waxa uu hagaajinta caafimaadka guud ee gaar ahaan shaaxa cagaarka iyo cadaanka oo ku jira walxo jirka koriya.

Waxaa ka soo turjunay https://altibbi.com

Category