Waa imisa tirada xujeyda Somaliland loo qorsheeyay 2025?

Hargeysa (RH)-Iyadoo horrey u sheegtay dowladda Soomaaliya qoondooyinka xujeyda la siiyay deegannada Soomaalida, ayaa waxaa Somaliland ay sannadkan heshay qoondo gaaraysa illaa 2,000 oo xujeey ah in ay ka baxaan deegannada Somaliland, si u soo gutaan waajibaadka xajka.

Dowladda Sacuudiga ayaa Soomaaliya sannadkan u qorsheesay in illaa 11,500 oo xujeey ah ka imaanay deegannada Soomaalida, waxaana qoondadan la soo mariyaa wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Islaamka.

Haddaba, waxaa soo baxaya walaac ku saabsan in qarashka xujeyda laga qaadayo ay badan tahay sanandkan, sida uu sheegay Sheekh Maxamed Khadar oo maamule ka ah xarun ka shaqeysa dadka xujeyda ah ee tagaya baytka Alle.

Sheekha oo saxaafadda gudaha u warramay ayaa sheegay in qoondada Somaliland ay ka heshay qoondada guud ee la siiyay Soomaaliya in ay gaarayso 2,050 xaaji.

Waxa uu sheegay in shirkado kooban oo ka socda Somaliland in la siiyay tiro yar taasna ay keentay in xujeyda Somaliland ka tegaysa ay tiradooda yaraadaan.

Waxa uu sheegay in qiimaha laga qaadayo xujeyda gaar ahaan marka ay tegaan dalka Sucuudiga la kordhiyay maadama loo sameenayo adeegyo kala duwan.

Sheekha ayaa sheegay in isbaddelka ku dhacay xagga dhaqaalaha uu saameenayo dadka xujeyda ah taasna ay culeys ay ku tahay

Radio Hormuud

Studio 3

Hargaysa-Somaliland

 

Category