Warar dheeraad ah oo ku saabsan khatarta amni ee Muqdisho ku soo fool leh

Muqdisho (RH)-Safaarada Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa soo saartay digniin ku aaddan khatar dhanka ammaanka ah oo ay sheegtay in ay kusoo wajahantahay muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in ay heshay xog ku saabsan hanjabaado loo jeedinayo goobo badan oo ku yaalla Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhammaan duulimaadyada iyo dhaq-dhaqaaqa kale ee shaqaalaha Mareykanka gaar ahaan kuwa ka howlgala safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa la hakiyay maanta oo talaado ah.

Qoraal lagu daabacay barta safaaradda ayaa lagu yiri, “Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa heshay xog ku saabsan hanjabaado la xiriira goobo badan oo ku yaalla Muqdisho oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Dhammaan dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Mareykanka waa la kahiyay Talaadada, 9-ka Abriil, 2024-ka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri, “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xasuusineysaa muwaadiniinta Mareykanka ah in argagixisadu ay sii wadaan abaabulka afduubka, qaraxyada, iyo weerarrada kale ee Soomaaliya. Waxaa laga yaabaa inay qaadaan weeraro digniin leh ama digniin la’aan ah, iyagoo beegsanaya garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, baraha koontaroollada, xarumaha dowladda, hoteellada, maqaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan dadka badan ee reer galbeed ah, sidoo kale kuwa ay ku suganyihiin kolonyada ciidamada dowladda, kuwa militariga iyo kuwa reer galbeedka”.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka qaybteeda la-talinta arrimaha socdaalka ee Soomaaliya ayaa muwaadiniinta Mareykanka ah kala talisa in ay u safraan Soomaaliya xilliyada ay jiraan waxyaabaha la xiriira dambiyada, falalka argagixisanimada, kacdoonka shacabka, arrimaha caafimaadka, afduubka, iyo burcad badeednimada, sida ku cad qoraalka kasoo baxay safaaradda.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in qaabka weerarradu ay yihiin kuwo aan xaddidneyn isla markaana noqon kara, qaraxyada baabuurta, is-miidaaminta, shakhsiyaad weerar toos ah soo qaada, iyo madaafiicda ama hub lasoo tuuri karo.

Sidoo kale Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa soo saartay La-talinta Socdaalka ee Heerka 4-aad ee Soomaaliya, waxayna kula talisay muwaadiniinta Mareykanka inaysan u safrin Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa si aad ah u xadidda awoodda ay ku bixiso adeegyada deg-degga ah ee muwaadiniinta Mareykanka ee Soomaaliya sababtoo la xiriira la'aanta qunsuliyad ka shaqaysa halkaas.

Mas’uuliyadda Nabadgelyada Garoonka Cadde ayaa waxaa gacanta ku haya dhawr ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin ciidanka Nabad illaalinta howlgalka midowga Afrika, ciidanka booliska Soomaaliya iyo sidoo kale hay'adda sirdoonka ee NISA.

Dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa bartamaha bishii hore weerar ku qaaday hotel-ka SYL oo ku yalla meel aad loo ilaaliyo.

Hotel SYL wuxuu ku yaalaa aag aad loo ilaaliyo oo u dhaw madxtooyada Soomaaliya, halkaas oo sidoo kale ay ku yaalaan xafiiska Raysal Wasaaraha, guriga Raysal Wasaaraha, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya, Wasaaradda Warfaafinta iyo Villa Hargeysa oo ah Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya uu si ku meel gaar ah ugu shaqeeyo, maaddaama aan weli dib loo dhisin xaruntii hore ee baarlamaanka.

Hoteelka la weeraray ee SYL iyo dhammaan xarumaha aan kor ku sheegnay waxay ku yaallaan aag dhuleed oo fidsan qiyaastii 600 illaa 700 oo mitir.

Guriga uu deggan yahay raysal wasaaraha ayaa aad ugu dhow hoteelkan ay weerarradu kusoo noq-noqdeen.

Intaa waxaa dheer, in hoteelkan ay inta badan degaan mas'uuliyiinta dawladda iyo dadka aadka loo ilaaliyo, wuxuu ku yaallaa afaafka kaliya ee laga galo madaxtooyada Soomaaliya iyo dhammaan xarumaha aan kor ku xusnay oo aan meel kale lagasoo gali Karin waddooyinkii kalena loo jaray amniga awgii.

Ma aha markii ugu horreysay ee uu Mareykanku digniin kasoo saaro weerarro uu ku sheegay in lagu wado xarumo qorsheysan.

Digniinihii ugu dambeeyay ayuu kasoo saaray weerarro uu ku sheegay kuwo argagaxiso oo ku wajahan, Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania.

Xigasho: BBC Somali

Category