Nin 42 jir ah oo lagu eedeeyay in uu khiyaamey nidaamka kabka daawada ee Denmark

RH: Nin 42 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta khiyaamo la xidhiiidha  daawada sonkorowga ee Ozempic. Muddadii ku dhow laba sano, ninkan oo ku nool magaalada Lyngby ayaa si joogto ah uga soo qaadan jiray daawadan farmashiyaha isagoo helay qaddar aad u badan oo u dhiganta dhowr sano oo isticmaal ah.

Waxaa lagu eedeeyay in uu sameeyay khiyaamo lacageed oo gaareysa 766,863 kr, iyadoo lagu eedeeyay inuu si sharci-darro ah u iibiyay daawada oo loo isticmaalo in miisaanka lagu dhimo.

Dacwadda waxaa loo arkaa mid culus oo keeni karta xabsi, magdhow lacageed, iyo masaafuris.

Kiiskan waa kii ugu horreeyay ee ku saabsan khiyaamo la xiriirta daawada Ozempic, iyadoo dhowr kiis oo kale ay socdaan. Maalinta Jimcaha ayaa la filayaa in xukunka kiis kale oo la xiriira khiyaamo daawadan lagu dhawaaqo, 

haweeney 56 jir ah lagu eedeeyay iyana in ay si aan xaq ahayn u heshay lacag kab ah oo ka badan 300,000 kr oo ay ku heshey daawadan, ka dibna ay si sharci darro ah u iibisay.

Si looga hortago khiyaamada noocan oo kale ah, laga bilaabo 1-da July, bukaannada sonkorowga waxay keliya heli karaan daawada Ozempic oo ku filan saddex bilood, taas oo ujeedadeedu tahay in la yareeyo fursadaha lagu sameyn karo khiyaamo.

Farmasiiyada ayaa soo dhaweeyeen tallaabadan, balse waxay ku taliyeen in xakamaynta ugu weyn laga sameeyo dhakhaatiirta qoraya warqadaha daawada.

Category