Sawirro: Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Sabti ah ka furmay bandhigga dalxiiska Soomaaliya, waxaana ka qeybgalaya shirkado iyo dal xiisayaal ka kala yimid dalalka caalamka.

Bandhiggan oo socon doona dhowr maalin ayaa la filayaa in la soo bandhigo heerka uu gaarsiisan yahay dalxiiska Soomaaliya iyo goobaha loo dal xiiso karo.

Wasiirka warfaafinta Soomaliya, Daa'uud Aweys ayaa sheegay in dowladda ay fududeyn doonto sharciyada looga baahan yahay dalxiisayaasha imaanaya dalka lana diyaariyo goobo badan oo loo dalxiisi karo.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa oo si rasmi ah du daafuray bandhigga dalxiiska Soomaaliya ayaa sheegay in dalxiisku uu doorweyn ka qaato hrumarka dhaqaalaha dalka.

Waxa uu sheegay in la ballaarin doono bandhigyada noocan oo kale, laguna soo bandhigi doono goobaha loo dalxiiso ee dalka ku yaalla si ay dad badan yimaadaan.

Bandhiggan ayaa ku soo aaday iyadoo sannad kasta maanta oo kale Soomaaliya laga xuso maalinta dalxiiska Soomaaliya.

Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category