Denmark: Dacwada Toogasho ka dhacdey Sønderbo oo ka socota maxkamada

RH:Axaddii 30-ka Oktoobar 2022, fiidkii, nin madow oo dhuuban oo bastoolad ku hubeysnaa ayaa toogtay nin 21-jir ah oo Kurdish ah hortiisa MK Shawarma ee magaalada Sønderborg. Waxaa lagu tuhunsan yahay inuu doonayay inuu dilo ninka. Inkasta oo uu ku dhuftay 15 xabbadood, ninkii la toogtay wuu ka badbaaday.

Booliska iyo Eedeysanayaasha: Booliska Koonfur & Sønderjylland waxay tuhunsan yihiin in eedaysanaha 20-jirka ah ee Afgaaniga ah uu isku dayay dilka ninkan, isagoo kaashanaya laba nin oo kale oo kasoo jeeda Tuuniisiya oo ay da'doodu kala tahay 26 iyo 30 sano. Saddexdan nin ayaa ka qayb galay maxkamad, dhammaantoodna way iska fogeeyeen eedaha.

Caddeymaha iyo Maxkamadda: Dacwad-oogaha ayaa ilaa 11 fadhiyo maxkamadeed soo bandhigay caddeymo ay ka mid yihiin muuqaallo, telefoonada la dhegeystay, iyo fariimaha bulshada. Ujeeddada dacwad-oogaha waa in la caddeeyo in eedaysanayaasha ay dhammaantood ku lug lahaayeen isku-daygan dil. Xukunka isku-day dil caadi ahaan waa lix sano oo xarig ah.

Markhaatiyaasha iyo Xiriirka Dambiilayaal: Qaraabada iyo asxaabta eedaysanayaasha ayaa ka markhaati furay, qaarna waxay sheegeen in eedaysanayaasha qaarkood ay hore ula socdeen kooxo dambiilayaal ah. Walaasha ninka ugu da’da yar, oo loo yaqaanno ninka bastoolada sitay, ayaa sidoo kale ka markhaati furtay.

Lamaane la Xukumay: Lamaane kale oo dambi ku jiray ayaa xukun ku dhacay kadib markii 20 kiilo oo xashiish iyo lacag dhan 216,500 krone laga helay gurigooda. Lamaane ayaa sheegay in mid ka mid ah eedaysanayaasha, HS, uu gurigooda ku dhuumaaleysanayay kadib dhacdadii isku-dayga dilka. Waxay sheegeen in ay ka cabsadeen, markii dambena ay caawiyeen isagoo ka gudbay xadka Jarmalka.

Maxkamadda Xigta: Maxkamadda ayaa sii socon doonta Arbacada soo socota, waxaana la filayaa in xukunka rasmiga ah la gaaro 1-da Nofeembar.

 

Radio Hormuud

Tarjumaada: Maxamed-Amiin

Category