Guddida Doorashooyinka  Somaliland Oo Todobaadkan Diiwaangelinta Codbixiyayaasha  ka Bilaabaya Gobollada Hawd Iyo Daadmadheedh

Hargeysa(RH):-Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Lagu Wadaa Inay Dhammaadka Todobaadkan Diwaangelin Tijaabo Ah Ka Bilaabaan Gobollada Hawd Iyo Daadmadheedh.

Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa Dhawaan Diwaangalintaasi Tijaabada ah U Xushay inay ka Bilaabaan Magaalooyinka Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd iyo Magaalada Oodweyne ee Gobolka Daadmadheedh.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Arintaasi soodhaweeyey waxaanu  ku bogaadiyey guddida doorashooyinka qaranka Somaliland Diiwaangelinta casriga ah ee codbiyeyaasha Doorashooyinka ee tijaabada ah ee laga Bilaabayo Gobollada Hawd Iyo Daadmadheedh Waxaanu yidhi“Waxa aan ku bogaadinayaa Komishinka Doorashooyinka Qaranka [KDQ] in ay ka bilaabayaan Arbacada 2da September 2020ka, Gobolka Daadmadheedh Magaala Madaxdiisa Oodweyne iyo Gobolka Hawd Magaala Madaxdiisa Balligubadle Diiwaangelinta casriga ah ee codbiyeyaasha oo tijaabo ah” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga  Waddani

 

Category