Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Xuska sanad-guurada 29-aad ee dib-ula-soo noqoshada madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland ee 18 May oo ku beegan maanta ayaa loo xusay qaab ka duwan sidii hore, kaddib saameynta cudurka Corona Virus ee dunida ku yeeshay.

Iyadoo laga duulayo ilaalinta bad-qabka shacabka, waxa la hakiyey munaasibadihii dhoola-tuska ahaa ee lagu qaban jiray fagaareyaasha magaalooyinka, waxaana dadka lagu wargeliyey in ay guryahooda ku dabaal-degaan.

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Qofkii 6aad Ayaa Gudaha Somaliland U Geeriyooday Xanuunka Coronavirus sida Ay Xaqiijisay Wasaarada Horunarinta Caafimaadka Somaliland.

Sidoo kale Wasaarada Caafimaadka Somaliland Waxay shaacisay in  24kii saacadood  ee Ugu Dambeeyey Baadhitaanadii la sameeyey 14 Qof Oo Cusub laga helay  Xanuunka Covid 19 kuwaasi Oo kala jooga Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

 

Hargeysa(RH):-Xukuumadda Somaliland ayaa cod-baahiyayaal ku xidhay jidadka mihiimka u ah isu socodka gaadiidka iyo dadka, ee magaalada Hargeysa.

Codbaahiyayaashaasi ayaa waxaa ka soo baxaya fariimo wacyigalineed oo Fariimo Wacyi xukuumaddu ugu talo gashay bulshada si ay uga taxadaraan ugana feejignaadaan xannuunka safmarka ah ee Covid-19.

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu Aasey Qofkii labaad ee Gudaha Somaliland u Geeriyooda Xanuunka Covid-19

 Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo si maalinle ah ula hadla warbaahinta ayaa xaqiijiyey xaalada labaad ee dhimasho.

Hargeysa(RH)Xukuumada Somaliland ayaa Dawladda Shiinaha ka dalbatey Dhakhaatiir Caafimaad oo kala howlgala ka hortaga xannuunka Covid-19.ka dib markii ay Dawladda Shiinahu  ay Somaliland soo gaadhsiisay agab caafimaad oo kala duwan islamarkaana lagaga hortago faafitaanka xannuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka hadlay xaaladda guud ee dalka ka marayo ka hortagga iyo la dagaallanka xanuunka COVID-19 iyo dedaallada ay xukuumaddu waddo, isaga oo sidoo kalena farriin u diray shacabka reer Somaliland.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi,Oo Maanta Shir jaraa”id ku qabtey Xarunta Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in aan la Xusidoonin  labada munaasibadood ee 18 may iyo 26-ka june.Xanuunka Corona-Virus Awgeed, oo adduunyadda oo dhan saameyn weyn ku yeeshay

Hargeysa(RH):- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cumar Cabdilaahi Badde oo shir jaraa’id ku qabtay  magaaladda Hargeysa ayaa  xaqiijiyey xaalad dhimasho ah oo ku soo korodhay xaaladihii hore ee xanuunka Covid-19 ee Somalilad.

Wasiir Badde ayaa sheegay in qofkii ugu horeeyey uu Somaliland ugu geeryooday xanuunka Covid-19, qofkaas oo ku geeryooday magaaladda Borame ee xarunta gobolka Awdal.