Waxaa diiradda la saaray Soomaalida oo ay dadku u qaybsameen mid ku wiirsadey iyo mid ka walaacey, ka dib markii ay saxaafadda Sweden faafiyeen warar sheegaya inay Soomaalidu u badan tahay dhimashada fayraska corona.
''Ugu yaraan 6 ka mid ah 15 qof oo fayraska corona ugu dhimatay magaalada Stockholm ayaa Soomaali ah,'' sida ay sheegtay Jamciyad ay leedahay Soomaalida Sweden.
"Markii uu cudurkani Sweden soo gaarey, ma jirin xog ku filan oo ay Soomaalidu hayeen, qaar badanna sidoodii ayay nolosha u wateen," ayay tiri Jihaan Maxamed, oo jamciyadda xubin ka ah oo u warrantay barnaamijka Agenda ee SVT.
Sida ay sheegtay Jihaan Maxamed, 5 ka mid ah 6-da qof ee Soomaalida dhimatay waxay ku nool yihiin agagaarka Järva ee Stockholm, qofka 6-aad wuxuu ku noolaa degmada Järfälla ee isla caasimadda.
Jihaan oo la weydiiyay in ay saba jiri karto waxay tiri: "Ma ogi sababta ay agagaarka Järva ugu badan yihiin dadka u dhintay fauraska Covid-19, balse qaar badan waxay ku nool yihiin guryo ay dad badan ku deggan yihiin, sidoo kale waxaa liita hab-raaca faya-dhowrka."
Jihaan ayaa sheegtay in ay la tahay "in dhaqanka Soomaalida arrimo ka mid ah in ay qeyb ka ciyaareen in fayraska uu ku dhex faafo".
"Dhaqanka Soomaalida waa muhim (marka la eego) is dhexgalka bulshadu, taageerada iyo in la is booqdo, gaar ahaan haddii uu qof xanuunsan yahay, kaaga darane Soomaalidu xog badan cudurka kama hayaan,'' ayay tiri Jihaan oo sheegtay inay muhim tahay in lakala fogaado.
Waxaa kadib qoraalkaas sii faafiyey Wargeysyada waawayn ee Sweden sida Expressen, Aftonbladet iyo qaar kale.
Falcelinta Soomaalida
Arrintan ayaa muran ballaaran ka oogtey dalka Sweden gaar ahaan baraha bulshada, iyadoo ay Soomaali badan ku doodayaan "inay ahayd in aad looga fiirsado faafinta warkaas maadaama ay dhalin karto in Soomaalida la faquuqo", sida Soomaalida qaar ay ku qoreen barahooda bulshada.
Arrimaha kale ee doodda dhaliyay waxay tahay in qowmiyadaha kale ee fayraskan uu saameeyay inaan la magacaabin, marka dadku way ka "xumaadeen" in si gaar ah farta loogu godo Soomaalida. Durba waxaa bilowday "in kooxaha cunsuriyiinta ah in ay ku maadeystaan Soomaalida.
"Annaga oo aan diidaynin inay dadku dhinteen ama is difaacaynin, waa inaan si kale oo ka qurux badan u qaabaynaa, sida inuusan jirin tirakoob rusmi ah oo kasoo baxay Hay'adda Daryeelka Caafimaadka iyo Hay'adda Arrimaha Bulshada," ayuu yiri Axmed Kaboole oo ka tirsan Golaha Degaanka Stockholm oo sheegay in aanu warka la hayaa weli rasmi ahayn.
Wuxuu intaa ku daray: "Tan kale Sweden illaa iyo hadda si rasmi ah uma tirakoobin dhalashada dadka cudurkan u dhintay".
Qaar ka mid ah dhallinyarada waxay sheegayaan in Soomaalida "aysan weli ku baraarugsaneyn halista cudurka iyagoo tusaale ahaan weli dhooban makhaayadaha iyo meelaha lagu sheekaysto." Wiil dhallinyaro ah oo la hadlay weriya Maxamed Xaaji Xuseen ayaa yiri: ''Shalay ilaa 40 qof ayaan ku arkay meel makhaayad ah."
Qaar ka mid ah Soomaalida oo wacyigelin sameynaya waxay ku talinayaan in aan la dhayalsan balse la raaco tilmaamaha fayraska, isla markaana la kala fogaado, guryaha la joogo, nadaafadda lagu dadaalo, qofkii bukaan ahna uu dhakhtar la xiriiro dadka kalena ka fogaado.
Isbedellada Soomaalida Khuseeya
Iqra Maxamed Cali (Dhegeey) oo ah kalkaaliso caafimaad oo Soomaali ah oo ka howlgasha isbitaal ku yaalla magaalada Trollhättan ayaa ka warramaysa isbedello Soomaalida khuseeya oo kusoo kordhay isbitaalka ay ka shaqeeyso.
"Waxaa la iga codsaday inaan af Soomaali ku tarjumo tilmaamamaha iyo xogaha ku saabsan fayraska corona," ayey tiri Iqra oo BBC la hadashay, iyadoo intaa ku dartay waa "si ay Soomaalidu uga digtoonaadaan halistiisa, wixii la farayana u fahmaan."
Kiisaska guud ee dalka Sweden waxay hadda marayaan 3,447 oo kiis, kuwaas oo in ka badan 378 ka tirsan ay cusub yihiin, geerida guud waxay maraysaa in ka badan 105 qof, waxaana la qiyaasayaa in ugu yaraan 20 qof ay Soomaali yihiin."
isha warka: BBC