Denmark: Qaxootiga dalkii ay kamiyaadeen booqda oo dhib lakulmi kara.

RH: Waxaa hada qiimeyni ku socotaa 8 kiis oo ku saabsan dad qaxootiya islamarkaasina haysta ciqaamada kumeelgaadhka ah oo dalkii ay kasoo jeedeen dib u booqdey, waxaana kiisaskan baadhaya gudiga garsoorka sare ee qaxootiga kuwaas oo ambiilka loo qaato, dadkan ayaa  la kulmi kara in sharciga lagala noqdo.

Wasiirka ajanbiga iyo isdhexgalkalka ee wadanka Denmark mr. Kaare Dybvad Bek uu baarlamaanka ugudbiyey codsi ku saabsan in ay wax ka badalaan ama adkeeyaan sharciga ah in uu qofka qaxootiga ahi booqan karo dalkii uu kayimid.

SI DEE AYUU AHAA SHARCIGU MARKII HORE.

Markii hore ma uu ogolayn sharcigu in qaxootigu dalkii ay iska soo dhiibeen ee laga magangalliyey dib u booqdaan, oo warqada sharciga lagu siiyey ayaabey ku qorantahay in aad sharcigan ugu safri karto dunida oo dhan marka laga reebo dalkii aad iska soo dhiibtey.

Iyada oo ay sidaas tahay ayaa hadana waxaa jirey sharci kaas ka dambeeyay oo sheegaya qofka haystana ciqaamada rasmiga ah ama abadiyan inkasta oo aanu dhallashada qaadan hadana in uu booqan karo dalkii uu kayimid kadib  marka uu si rasmi ah udaganaa Denmark   toban sanno oo xidhiidh ah.

 

MAXAA SOO KORDHAY.

Waxaa soo kordhay sharci baarlamaanka la horgeeyay si ay uga doodaan oo udhaqan galliyaan , kaas oo ku saabsan in aanu qofka qaxootiga ahi booqan karin dalkii uu kasoo jeeday  ka hor inta aan lasiin dhallashada dalka .

MAXAA LA GUDBOON QOFKA HAYSTA SHARCIGA QAXOOTIGA.

Waxaa la gudboon in uu taxadir iyo feejignaan sameeyo hadii safrayo , oo aanu khatar gallin sharcigiisa, hadi ay lagama maarmaan noqoto waxa uu talo waydiin karaa garyaqaan ama loyar, waayo waxaa jirta in sababo gaar ah dartood qofka loogu ogolaankaro in uu usafro dalkii uu ka soo qaxay iyada oo shaabad ogolaanshiiyo ah loogu dhufankaro baasboorkiisa.

                          SIDEE LAGU HELAA DHALASHADA WADANKA DENMARK.

Wadanka Denmark waxa uu hada kamid yahay  dalalka ay aad u adagtahay qaadashada dhalashada ama jinsiyada , waxaana taas usabab ah dawladihii kala dambeeyay ee soo maray 20kii sanno ee u dambeeyay oo mid waliba sii giijinaysay  shuruudaha lagu qaato jinsiyada ,  taas oo iska daa dhalasho balse ay adkaateyba qaadashada ciqaamada rasmiga ah.  Shuruudaha waxaa kamid ah , in aad shaqeynaysay ugu yaraan 5 sanno oo xidhiidh ah , in aad haysato shahaado afka denishka ah oo  khaas ah , in aad ku nooleyd Denmark 9 sanno oo xidhiidh ah, in aan wax deyn ah lagugu laheyn, in aan xukun kugu dhicin ama aanad dambi gallin, in aad ka qeybqaatadato hawlaha iskaa wax uqabso ee bulshada loogu adeegayo IWM.

 

Wixii kasoo kordha kiiskan kala soco Radio Hormuud.

Category