Dowladda Giriigga ayaa bilowday inay dib u dajiso carruur aanay cidna wehlin oo ku sugnaa xeryo ay muhaajiriin buux dhaafiyeen oo dalkaas ku yaal.
12-kii canug ee ugu horreeyay ee ay da'doodu u dhaxaysay 11 ilaa 15 ayaa waxaa dib loogu dajiyay waddanka Luxembourg iyagoo laga qaaday jasiiradaha Lesbos, Samos iyo Chios.
Giriigga ayaa qorshaynaya inuu ku dhawaad 1,600 oo carruur taag daran ah uu u raro dalalka kale ee Yurub kuwaas oo iskood u martigelin doona, xilli uu socdo xanuunka dunida aafeeyay ee coronavirus.
Xeryaha Giriigga waxaa ku nool in ka badan 5,000 oo carruur ah oo aanay cidna la socon.
Kooxaha u dooda xuquuda ayaa waxa ay ku baaqayaan in carruurta taagta daran looga dhex tago xeryaha ay sii kordhinayso halista ah inay qaadaan cudurka Covid-19.
Dhowr iyo tabankaas carruurta ah ee dib u dajinta loo sameeyay ee ka soo kala jeeday Suuriya iyo Afgaanistaan ayaa waxa ay Arbacadii ka baxeen garoonka diyaaradaha ee Athens, halkaas oo wasiirka socdaalka ee Giriiggu uu ku siiyay hadiyo xusuus ah.
Dhinaca kale waxaa ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Luxembourg.
Maadaama uu dunida dhibaato ku hayo cudurka coronavirus ayaa carruurtaasi waxa ay labada todobaad ee ugu horreeya ee Luxembourg ku qaadan doonaan xarun dadka lagu karantiilo.
Wasiir ku xigeenka socdaalka ee Giriigga, Giorgos Koumoutsakos, ayaa sheegay in walow ay yareyd tirada carruurta dib u dajinta loo sameeyay, haddana taasi waxa ay farriin u diraysaa dalalka kale inay ku daysadaan tusaalaha Luxembourg.
"Giriiggu waxa uu wajahayaa dhibaato dhibaato kale lagu daray - muhaajiriin iyo cudurka safmarka ah oo wada socda," ayuu u sheegay warbaahinta qaranka ee ERT. "Labadaas arrimood oo la isku daray ayaa sii xumaynaya xaaladda markii horaba adkayd oo weliba sii noqonaysa mid qalafsan."
Waxa uu intaasi ku daray in kooxda labaad oo 50 ah Sabtida loo qaadi doono waddanka Jarmalka , halka 20 kalana loo duulin doono waddanka Switzerland.
Bilowgii todobaadkan ayey aheyd markii hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ay xukuumadda Giriigga ugu baaqday inay sii daynto dhammaan carruurta aanan lala socon ee ku sugan gudaha dalkaas, iyadoo ay hay'addu sheegtay in lagu sii hayo "Xabsiyada booliska ee aan nadaafadda lahayn iyo xarumaha dadka lagu hayo" ay sare u sii qaadayso halista ah inay qaadaan fayraska.
"In carruurta lagu hayo xabsiyada wasakhda badan ee booliska ayaa mar walba khalad aheyd, hasayeeshee haatan waxa ay bannaanka u dhigaysaa halista ah inay qaadaan cudurka Covid-19," cilmi-baaraha hay'addaasi ee waddanka Giriigga Eva Cosse ayaa sidaasi ku sheegtay bayaan ay soo saartay.
Waxaa waddanka Giriigga ku sugan ku dhawaad 100,000 oo qof oo magangalyo doon ah, kuwaas oo intooda badan ku sugan xeryo, hoteello iyo dhismooyin kale. Ilaa haddana waxaa cudurka Covid-19 laga helay laba xero oo ku yaal dhulweynaha Giriigga.
Xeryaha ku yaal jasiiradaha Aegean ayaa aad u buux dhaafay, iyadoo deegaanno aad u kooban ay ku nool yihiin in ka badan 36,000 oo qof.
isha warka BBC