Maxay ka wadahdaleen madaxweynaha Jabuuti iyo danjire Cabdikariim Xuseen Guuleed?

Djibouti (RH)-Ergayga cusub ee dowladda federaalka u magacowday wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, Cabdikariim Xuseen Guuleed oo shaley tegay galinkii dambe dalka Jabuuti, ayaa sheegay inuu madaxweyne Ismail Omar Guelleh kala hadlay sidii uu u taageeri lahaa qorshaha uu wado.

Markii uu soo dhammaaday kulanka ayuu danjiraha u warramay saxaafadda waxaana uu yiri "Maadama aan rabo in aan billaabo wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle waxaa ugu imid in wixii tallo ah ama fikir ah aan ka dhageysto maadama uu yahay odayga mandiqada iyo in wadahadallada labada dhinac aan taageero uga helo dalalka gobolka".

Danjire Cabdikariim Xuseen Guuleed

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa waday tan iyo markii xil kan loo magacaabay kulamo gaar ah oo uu la qaadanayay dadka wax ka og wadahadallada labada dhinac.
Wadahadallada labada dhinac ayaa soo maray marxalado kala duwan mana jirto wax natiijo ah oo laga gaaray heshiisyadadaas oo soo billowday muddo laga joogo 10 sanno.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi Kenya

Category