Nijaar ka cawdey sidii degmadu uladhaqantey xilli uu kujirey fasax jiro.

Morten oo walaac ama isteress ku dhacay ayaa dareemaya xanuun ka dib markii uu kulan la yeeshay degmada ama komuunaha. 
 'Si dhakhso ah ayaan u soo kabsan lahaa hadii aan helilahaa caawimo sax ah' ayuu ku tiraabey. 


Morten Kornum ayaa loo wacay isagyoo buka oo qaba xanuunka walaaca ama isteresska, wuxuu u mooday in loo soo wacay in loo ogolaaday in uu shaqada ka nasto, Laakiin taasi ma dhicin.


xidhiidhkii uu la yeeshay degmada iyo cidii uu markaas ushaqaynayey waxay dhaawacdey maskaxdiisa. Si aad u badan, dhab ahaantii, in uu is arkay isaga oo ka sii daraya.

 
Maalin kasta oo shaqo ah waan tegi jiray oo waxaan sugi jiray in dawladda hoose ila soo xidhiidho. Waxaan hubiyay iimaylkaygii iyo teleefankayga. Haddii ay wax fariin ah ii iman lahaayd, waxaan kaga jawaabilhaa waqti yar gudihii.  
- Ugu dambayntii, waxa aan helay hal maalin oo kaliya oo aan si dhab ah u nasan karo, taasna waxa ay ahayd Sabti - markaas ayaan ogaaday in aanay degmadu ila soo xidhiidhin, ayuu yidhi Morten Kornum.  


Haddii aad ku xanuunsato diiqad ama niyad-jab, waa in lagu siiyo fursad aad nabad ku hesho 
PIA OLSEN DYHR, GUDDOOMIYAHA SF ayaa sidaas ku jawaabtey markii ay saxaafadu waxkaweydiisay arinka ku dhacey Morten, 
 dadka qaba diiqada iyo niyad-jabka waa in mustaqbalka ay fursad u helaan inay joojiyaan xiriirka ay la leeyihiin degmada marka ay ku jiraan fasaxa jirada.  


Qorshaha noocan oo kale ah ayaa horeba ugu jiray cudurrada sida kansarka iyo wadnexanuunka daran, xisbiga SF-na waxay doonaysaa in lagu daro cudurrada dhimirka kuwaas hore loo dhawrey.  
- Haddii aad la xanuunsato diiqad ama niyad-jab, markaas waa inaad heshaa fursad aad nabad ku hesho, ayay tidhi guddoomiyaha xisbiga, Pia Olsen. 


Morten Kornum waxa uu soo dhawaynayaa soo jeedinta SF ee ku saabsan in laga dhaafo yeedhmada kumuunaha dadka u diwaangashan xanuunka walaaca inta ay kasoo kabsanayaan. 
 

Category