Sawirro: Xoghayaha Guud ee QM oo tegay Muqdisho iyo Baydhabo

Muqdisho (RH)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa maanta booqasho taariikhi ah ku tegay magaalada Muqdisho.

Wafdiga Guterres ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana intaas kadib loo galbiyay xarunta madaxtooyada halkasoo ay si wadajir ah shir jaraa'id ugu qabteen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghaye António Guterres ayaa ka arrinsaday aayaha iskaashiga labada dhinac, qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay tahay in gargaarka iyo waxqabadka Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Soomaaliya ay xoogga saaraan, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta. 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dul istaagay culeysyada iyo xaaladaha adag ee ay la tacaalayso dowladdu, kuwaas oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, saboolnimada iyo colaadaha sokeeye.

“Tani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go'an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka. Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta”.

Dhankiisa, Xogahaye António Guterres ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo dhaweynta diirran ee uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu fahamsan yahay xaaladaha binu aadantinimo ee ay la tacaalayso dowladda Soomaaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka.

Dhinaca kale, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa isla maanta tegay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasoo uu kula kulmay madaxda maamulka Koonfur Galbeed, kadibna waxa uu booqday xeryaha ay dagan yihiin dadka ka soo barakacay abaaraha ku dhuftey gobollada Baay iyo Bakoo.

Waa markii labaad oo António Guterres uu yimaado Soomaaliya, sannadkii 2017-kii ayuu yimid, waxaana imaashiyihiisa ay ku soo beegmeysaa iyadoo magaalada Muqdisho inta badan wadooyinka la xiray ayna ka da'ayeen magaalada roobab mahiigan ah.

Shirka jaraa'id Xoghayaha Guud ee QM oo tegay Muqdisho iyo BaydhaboXoghayaha Guud ee QM oo tegay Muqdisho iyo BaydhaboXoghayaha Guud ee QM oo tegay Muqdisho iyo BaydhaboXoghayaha Guud ee QM oo tegay Muqdisho iyo Baydhabo

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category