Marka hore Afeef iga hoo.
Xushmad iyo qaddarin weyn ayaan u hayaa murashixiinta damacooda sheegay ee raba in ay u tartamaan Madaxtinnimada dalka. Waa howl adag oo dhafar, daal iyo kharash badan oo inta bandan ku dhammaata guuldarro. Waan yara dareemi karaa culeyskaas oo hore ayuu ii soo maray.
Waxaan si gaar ah xushmad ugu hayaa Madaxweynayaashii iyo Raiisal Wasaarihii hore.
Waxaan caddeynayaa in aanuu jirin Hoggaamiye siyaasadeed oo aan kala tashaday iyo mid aan isla ognahay qoraalkan.
Bannaanbaxa nabadeed ee ay madasha Murashixiintu ku baaqday in uu Jimcaha ka dhaco fagaaraha Daljirka Dahsoon ee Muqdisho, ayaa igu dhaliyay su’aalo dhowr ah. Waxaan is tusay halis aan is leeyahay hadda waa laga baaqsan karaa.
Bannaanbaxa waxaa yoolkiisa lagu sheegay in la doonayo in lagu muujiyo in aan shacabka Muqdisho ka raalli ahayn in ay sii joogto Dowladda oo xilligeedii uu dhammaaday.
Waxaan goostay in aragtideyda shakhsiga ah oo kooban aan la wadaago murashixiinta iyo Dadweynaya Soomaaliyeed siiba kuwa Muqdisho.
Marka laga soo tago xoogsatada faraha badan ee danyarta ah oo qaarkood waayi doono dakhligooda maalinlaha ah, waxaa jiri karta halis amni oo aan la sahashan karin.
Dadweyne ay horkacayaan Madaxweynayaal hore, oo goor iyo goob la shaaciyay oo fagaare ah ku ballansan, Allah kama dhigee, sow halis uma aha qaraxyada iyo weerarrada noocyada kale ah ee ka dhaca Muqdisho?
Haddii taas laga nabadgalo, waxaa jirta halis labaad oo amni.
Waa haddii ciidanka murashixiinta ilaalinaya iyo ciidanka waddooyinka fadhiyaa
ay kala shakiyaan. Waa haddii uu midkood uu falalka midka kale u fasirto in ay yihiin daandaansi u baahan in laga falceliyo ama ugu yaraan la is hortaago.
Labada ciidan waxay ka wada tirsan yihiin ciidanka Qaranka, dhar isku nooc ah ayay ku lebbisan yihiin, waxay fuushan yihiin gaadiid isku nooc ah, waxayna sitaan hub iyo rasaas isla mid ah.
Murashixiintu ma hayaan si ay u baajin karaan in labada ciidan uu dhex maro iska horimaad hubeysan?
Labadaa qodob waxay igala culus yihiin ujeeddada Bannaanbaxa.
Amniga kama baxsana oo waxaa lagu jiraa xilli uu Muqdisho ku laba kacleeyay Covid-19.
In dad badani ay goob isugu soo baxaan miyaaneey sahli karin sii faafidda cudurkan laayaanka ah?
Aan u soo laabto danta ay murashixiintu ka leeyihiin bannaanbaxa.
Maaddaama la og yahay in Bannaanbuxu aanuu shacabka ka imaan ee ay Murashixiintu ku dhaliyeen, abaabulayaanna, ma muuqataa si uu wax uga beddeli karo mowqifyada hadda la kala joogo?
Waxaas oo dhami waxay dhacayaan iyada oo uu maanta billowday shir hordhac u ah shir kale oo laga yaabo in uu isla Jimcaha ama maalmaha xiga ku dhawaaqo si’ iyo goor la isla oggol yahay oo doorashadu ay qabsoonto.
Ugu dambeyn, sow ma mudna in maalmo fara ku tiris ah laga warsugo wadahadlka uu hordhiciisu maanta ka billowday Baydhowa?
Waxaan hubaa in murashixiinta ay ka mid yihiin qaar iga khibrad iyo aqoon badan. Waxaan hubaa in ay talada hore u gorfeeyeen, haatanna ay rogrogi doonaan. Kama filayo in iyaga oo wadajira ay ku dhaqaaqi doonaan fal ay halis uga imaan karto dadweynaha Muqdisho iyo guud ahaanba Soomaaliya.
W/Q: Yuusuf Garaad Cumar
Wasiirkii horre ee arrimaha dibadda Somalia