Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabtay Masuul Ka Tirsan Dawladda Soomaaliya

Hargeysa(RH)-Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Maanta Magaalada Hargeysa ku Xidhay Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ahna musharrax Madaxweyne u taagan doorashada dalkaasi .

 

Ciidanka ayaa qabtay Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport, waxaana loo gudbiyey xarunta dembi-baadhista.

Xilddhibaan Mustafe dhuxuloow ayey wararku sheegeen inuu Hargeysa u yimid marti qaad uu ka helay Hay'ad laga leeyahay Jarmalka oo shir ku qabanaysay Magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Mustafe Dhuxulow, ayaa la filayaa in berri loo Mastaafuriyo dhinaca Magaalada Muqdisho oo uu ka yimid markii hore.

Category