Kolding: Ardeyda dugsiyada sarre oo laga deyriyey dadaalkooda

RH: Dugsiga sare ayaa ku dhawaaqay cabasho ah in ardayda cusub aysan u diyaarsaneyn akhrinta casharrada waxayna leeyihiin caadooyin waxbarasho oo liita.

Kolding: Maamulka afarta dugsiga sare ee Kolding, oo ay ku jiraan Kolding Gymnasium, HTX, Munkensdam Gymnasium, iyo HHX ee IBC, ayaa cabasho isku mid ah ka muujiyey in ardayda cusub aysan si fiican ugu diyaarsaneyn dhinacyada akhrinta casharrada, qoraalada, iyo caadooyinka guud ee waxbarashada.

Jesper Kjølhede, maamulaha HHX, wuxuu sheegay in arday badan aysan la qabsan waxbarashada sare. Maamulayaasha kale waxay sheegeen in aanay ardaydu laheyn caadooyin waxbarasho oo sax ah oo laga doonayo dugsiga sare. Waxay sidoo kale tilmaameen in dhibaatadan la arkay sannadihii ugu dambeeyay tan iyo xilliga COVID-19, taasoo muujineysa inay jiraan isbedel.

Karen Albrechtsen, madaxda dugsiyada Kolding, ayaa sheegtay in ay ku talo jirto inay la hadasho dugsiyada sare si ay uga wada hadlaan caqabaddan isla markaana loo helo xal waara. Waxay sheegtay in uu jiro isbedel ku yimid ardayda, gaar ahaan marka la eego dhiirigelinta iyo sida ay u fahmayaan waxbarashada.

Waxaa la soo jeediyay in wada-hadal dhex maro dugsiyada hoose iyo kuwa sare si loo hagaajiyo fahamka iyo diyaarinta ardayda ee waxbarashada sare.

 

Tarjumaada: Mohamed-Amiin

Category