Cabdi Nageeye oo wacdaro ka dhigay Marathon-ka New York

New York (RH)- Cabdi Nageeye oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, ayaa Axaddii shaley ku guuleystay orodka Marathon-ka magaalada New York ee dalka Mareykanka.Waxa uu noqday qofkii ugu horreeyay ee u dhashay Soomaaliya eeku guuleysta tartakan caalamiga ah.

Nageeye ayaa guuleystay markii uu orday 2:07:39, waxa uu ka dheereeyay cayaartoygii 2022 ku guuleystay tartanka ee Evans Chebet oo u dhashay dalka Kenya.
Guusha Nageeye oo hadda u orda dalka Netharlands ayaa waxa ay calaamad u tahay horumar weyn oo uu ka sameeyay xirfadiisa.

Xiddigan ayaa horrey uga niyad jabay guul daradii uu ka keenay tartankii Olombikada ee Paris, halkaas oo dhaawac sinta ah uu ku qasbay inuu ka baxo tartanka.

Nageeye waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, isaga iyo qoyskiisa ayaa qaxay dalkooda hooyo, kadib markii colaadoo sokeeye ay ka dhaceyn.
Waxa uu ahaa xilligaas lix jir isagoo aadday dalka Holland oo uu hadda u cayaaro.

Guusha Nageeye, ayaa lagu sifeeyay safar lagu qeexay hal-adayg, dadaal, Adkeysi iyo ka go'anaanshiyo wuxuuna tusaale u yahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadiisaba. 

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi -Kenya
 

Category