Jasiirad dhul weyn ku fadhida oo sabaynaysa kuna taal Harada Victoria ayaa waxa ay sababtay in koronto la'aan ay ka dhacdo dalka Uganda oo dhan kaddib markii diinimadii korontada dhalinaysay ay cabburiyeen dhir aaladda isku xaraysay.
"Waxa ay aheyd ugu yaraan laba hektar oo ballac ahaan ku dhaw laba barxadood oo kuwa lagu dheelo kubadda cagta ah," Simon Kasyate ayaa sidaasi BBCda u sheegay.
Koronto la'aanta ayaa waxa ay sababtay in muddo saacad ah dib loo dhigo khudbad uu Madaxweyne Yoweri Museveni kaga hadlayay dhibaatada xanuunka Covid-19.
Harada Victoria, oo ay wadaagaan saddex dal oo ku yaal Bariga Afrika ayaa waxaa fara badan ka haya dhir harada ka dhex baxda.
Dhir badan ayaa waxa ay isku xaraysay diinimada warshadda korontada dhalisa ee Nalubaale, taas oo sababtay in qeyba badan oo Uganda ah ay koronto la'aan ku dhacdo, waxaa sidaasi bayaan ay soo saartay ku sheegtay shirkadda Eskom ee dalkaas.
Shirkadda ayaa sheegtay in "heerka biyaha ee sare u haatan u kacaya" ee harada ay suuragal tahay inay sabab u tahay dhaqaaqa jasiiraddan biyaha la sabaynaysa.
Heerka biyaha ee harada ayaa haatan taagan 13.12m, oo ayba qarka u saaran tahay inay gaarto heerkii ugu sarraysay ee 13.46m kaas oo la arkay sanadkii 1964, waxaa sidaasi sheegay Mr Kasyate oo ka tirsan Shirkadda matoorada korontada dhaliya ee Uganda.Caadiyan biyaha waxa ay gaari jireen inta u dhaxaysa 7 ilaa 9m, ayuu yiri.
Roob mahiigaan ah, harada oo ay dhir ka buuxsantay iyo tirada dadka oo sare u kacday ayaa sidoo kale lagaa yaabaa inay sabab u tahay dhaqaaqa jasiiradda.
Waxa uu intaasi ku daray in korontada markii dambe dib loo soo celiyay hasayeeshee howlwadeennadu ay weli bannaynayaan qeyba ka mid ah jasiiradda sabaynaysa.
"Mar walba gacmaheenna ayeynu ku maarayn jirnay dhirta, laakiin tan oo kale hore umaynaan arag," ayuu yiri Mr Kasyate.
isha warka . BBC