UK dadka guriyaha ugu dhimanaya Covid-19 oo laba jibbaarmay

Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa lagu sheegay tirada dadka Coronavirus ugu dhimanaya goobaha lagu daryeelo dadka da'da ah ee dalka UK ku yaalla ay aad uga badan yihiin tirada dhimashada ee la shaaciyo.

Golaha Daryeelka Qaranka (NCF) waxay sheegeen qayaastii dad ka badan 4,000 oo qof oo isugu jira dad da' ah iyo dad lixaadka wax ka qaba ay cudurka ugu dhinteen goobaha sida gaarka ah looga daryeelo.

Warbxintan ayaana ku soo beegmeysa xilli lagu baaqay xogta tirada rasmiga ah ee dadka faayraska u dhimanaya si sax ah in loo shaaciyo.

Warbixintuna waxay intaasi ku dartay 217 ka mid ah dadka goobaha daryeelka gaar ah cudurka ugu geeriyooday oo keli lagu soo daray tirada dhimashada guud ee dalka UK.

NCF oo dalka UK u qaabilsan daryeelka gaarka ah waxay sheegtay xogta ay heshay iney tahay mid ay ka soo uruurisy goobaha daryeelka gaarka ah lagu fidiyo.

Goobaha daryeelka gaar ah lagu fidiyo oo ay ku nool yihiin dad ka badan 30,000 waxaa xogtooda si rasmi ah loo shaaciyaa 7.4% ayey tiri NCF.

Muddo toddobaad oo u dhaxeeyey 7-13-ka April 299 qof iney Coronavirus ugu dhinteen goobaha sida gaarka ah looga daryeelo dadka da'da ah tiradaasi oo laba jibbaar ka badan bishi hore xilligan oo kale.

Hase yeeshee, madaxa xafiiska golaha wasiirrada ee Michael Gove ayaa ku gacan seydhay warbixintaasi isaga oo ku tilmaamay midaan waxba ka jirin.

Wuxuuna intaa ku daray dowladdu iney qorsheyneyso iney dabciso xayiraadda guud ee UK saaran.

Wasiirka Waxbarashada Gavin Williamson wuxuu sheegay 'inuusan jirin wax go'aan laga gaaray iskuullada dib loo furi doono 20-ka bisha march'.

84 tan oo qalabka ay xirfadlayaasha caafimaadka isaga difaacaan Covid-19 oo laga soo iibiyey Turkiga ayaa maanta soo gaaraya dalka UK.

Wararka kale:

  • Fannaaniin ay tiradooda kor u dhaafeyso 100 oo ay ka mid yihiin Lady Gaga, Paul McCartney iyo Billie Eilish ayaa heeso dhiirragelin ah u qaaday xirfadlayaasha caafimaadka ee caalamka ee ku howlan la tacaalidda cudurka Covid-19.
  • Hay'adda caafimaaka u qaabilsan England waxay sheegtay iney billaabeyso shaacinta dadka cudurka uu haleelay iyo qowmiyadaha ay ka soo jeedaan.

 

isha warka BBC

Category