Gaadiidkii Dadweynaha ee U Bixi jirey  Xaafadaha Hargeysa Oo Shaqo Joojin sameeyey

Hargeysa(RH)Waxaa maanta gabi-ahaanba shaqadii joojiyey Gaadiidkii dadweynaha ee loo yaqaano Basaska ee u kala bixi jirey  Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge  iyo suuqa ee Caasimada Hargeysa.

Waxaana Sababta ay shaqo joojinta u sameeyeen Gaadiidka shacabka Rayidka ahi raacaan ay ku Sababeeyeen cabasho ay ka qabaan Gaadiidka yar yar ee loo yaqaano Baro-Box-ta oo mudooyinkii u dambeeyey  ku soo badanayey Somaliland oo ay kaga cabanayayaan  Baslayaasha u bixi jiray Xaafaddaha labada degmo inay cadaadis badan iyo shaqadii ay qaban jireen ee shacabka ay ugu adeegi jireen Basasku oo ay cidhiidhi ku geliyeen Gaadiidkan yar-yari

Dawladduna ay waxba ka qabanweyday cabashadooda taasina ay sababtay inay  dhinacooda Gaadiidka Basasku Shaqo Joojin Sameeyaan maanta oo Isniin ah Bishuna tahay 1/4/2019-ka.

vv

Dhinaca Kale shacabka ku dhaqan labada degmo ee Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ee Saaka Gaadiidkii Basaska ee Shacabka u adeegi jiray ay talaabada shaqo Joojinta ku dhaqaaqeen, ayaa mushkilad xoogani soo food saartay Saaka maamada oo ay Dadkii Dariiqyadda ilaa hada Raxan Raxan u tuban yihiin iyaga oo aan wax xog ah ka haynin dadku sababta ay shaqada u joojiyeen Gaadiidkii ay raaci jireen ee Basaska oo Dariiqa dadka ku dhaafaya diidayna inay dadka qaadaan, waxaana dadka qaar ay lugaynayaan ku dhawaad 15KM  .

Category