Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horreysay diwaangelinaysa konton kun oo dhallinyaro ah, kuwaas oo la bari doono xirfado kala duwan.

Mashruucan oo ah mid aad u ballaadhan islamarkaana wax ka beddelaya shaqo la’aanta dhallinyarada heysa oo ay soo curisay, wasaaradda shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska, ayaa ah barnaamij ballaadhan oo loogu talo galay, dhallinyarada jaamacadaha ku jira, kuwii ka baxay iyo ardayda shaqo Qaran.

Hargeysa (RH):-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta oo Arbaca ah si rasmi ah u furatay Safaaradda ay ku yeelanayso  caasimadda  TAIPEI ee dalka Taiwan.

Xaflada furitaanka xafiiska Somaliland ay ku yeelanayso dalkaas ayaa lagu qabtay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Taiwan, kaas oo ku yaala goobaha ay dagan yihiin xafiisyada diblamaasiyiinta dalalka safaaradaha ku leh dalkaasi.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qasriga Madaxtooyada shir muhiima kula qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ee ka hawlgala Somaliland.

Hargeysa(RH):-Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Lagu Wadaa Inay Dhammaadka Todobaadkan Diwaangelin Tijaabo Ah Ka Bilaabaan Gobollada Hawd Iyo Daadmadheedh.

Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa Dhawaan Diwaangalintaasi Tijaabada ah U Xushay inay ka Bilaabaan Magaalooyinka Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd iyo Magaalada Oodweyne ee Gobolka Daadmadheedh.