Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE ee caasimadda Hargeysa, waxana halkaas kusoo dhaweeyey  hoggaanka xisbiga, garabka haweenka, guddoomiyayaasha  degmooyinka kala duwan ee ay ka kooban tahay caasimadda Hargeysa.

Baligubadle(RH):-Wasiirka  Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland  Oo Ay Weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed  , agaasimeyaal, maareeyaha Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland  , cuqaal, odayaal iyo guddida wadada isku xidha Hargeysa iyo baligubadle  ayaa gaadhey magaaladda Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd.

Ceerigaabo(RH):-Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo kalluumeysiga mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in hirgelinta dekadda Maydh ay ku baxayso adduun lacageed oo dhan shan milyan iyo badh dollar, islamarkaana loogu tallo galay in uu ku dhammaado mudo sanad iyo badh.

Sidoo kale waxaa uu fulinta mashruucan uga mahad naqay madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

Hargeysa(RH):-Xukuumadda Somaliland ayaa bilaabaysa dhismaha dekadda Maydh, iyada oo la sii daayay mashruuci laga maalgelinayay dekadda Maydh, islamarkaana la saxeexi doono todobaadkan.

Mashruuca ugu horeeya ee dhismaha dekadda ayaa noqon doona mid loogu tallo galay in ay ku soo xidhaan weelka kalluumeysiga iyo doonyaha bagaashka.