Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Munaasibad kooban oo lagu qabtay xarunta xafiiska imtixaanadka Qaranka oo ay goob joog ahaayeen masuuliyiinta ugu saraysa wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah agaasime waaxeedyadda wasaaradda waxbarashadda oo faahfaahin ka bixiyay tiro koob lagu sameeyay guud ahaan aradayda wax ka barta dugsiyada dalka.

Hargaysa(RH):-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa maanta Xubno ka mid ah Suxufiyiinta ka Howlgala Warbaahinta kala duwan ee Somaliland waxaa  Magaalada Hargeysa uga furay Kulan aqoon-korodhsi oo ku saabsan Diyaarinta Warbixinaha Tahriibka.

 

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa maanta Hortagay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Ugu horeyna wasiirku waxa uu mudanayaasha golahaasi warbixin ka siiyey hawlaha iyo waajibaadka ay wasaaraddaasi qaranka u hayso, isaga oo sheegay in ay masuuliyadda wasaaradaasi tahay diyaarinta qorsha guud iyo ururinta xogta qaranka, isla markaana ay dabagal ku samayso mashaariicaha ay fuliyaan dawladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka wada mashaariicaha kala duwan.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti heersare ah oo uu hoggaaminayey Wakiilka China u qaabilsan iskaashiga Africa iyo China “China-Africa Cooperation” (FOCAC), Ambassador. Zhou Yuxiao oo safar saddex maalmood qaatay ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Hargeysa(RH):-Wasaaradda Gaashaan-dhiga dalka Taiwan, ayaa sheegtay in ka taageeraysob Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland qorshaha ilaalinta Xeebaha Somalilnd.

 

Dawladda Taiwan, waxa ay sidaasi  ku shaacisay xaflad Salaasadii Toddobaadkan lagu soo bandhigayey markab noociisu ku cusub yahay dalkaas oo ah kuwa dagaalka ee xambaara miinooyinka oo qaybo badan oo ka mid ah la dhammaystiray isla markaana lagu wado inuu dhammaystirmo dabayaaqada sannadkan 2020ka.

 

Hargeysa(RH):-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo Guddiyo farsamo oo ka socda saddexda Xisbi Qaran, ayaa kulan ay saxaafaddu dibada ka joogtay oo ay yeesheen kaga wada hadlay dejinta geedi-socodka hannaanka Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaamo oo lagu heshiiyey in mar la wada qabto, sida uu sheegay masuul ka tirsan xisbiga UCID oo kulanka kaddib warbaahinta la hadlay.

Hargeysa(RH):-Safiirka Dowlada Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Amb. Qin Jian ayaa Maanta bookhasho ku yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Qin Jian ayaa waxa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ee Cigaal kaga hor-tagay isla-markaana soo dhaweeyay Masuuliyiin ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland, kuwaasi oo u soo galbiyey gudaha Caasimadda, sida ay Warbaahinta u Xaqiijiyeen ilo Xogogaal Ahi.

Hargeysa(RH):-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Xayiraad iyo Ruqsad kala noqosho ay ku samaysay Telefiishannada Universal, Star iyo Mareegta Wararka ee Hadhwanaagnews.com.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa sheegay in aanay xilligan Maskaxda ku haynin inay Warbaahinta ay xayireen ay Ruqsadda u soo celiyaan.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1441-ka oo maalinta berri ah ku beegan. Waxana uu u rajeeyey inay sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan Barwaaqo iyo nabadqab.