Haweynay soomaaliyeed oo ninkeedii ku dacweysay in uu caruurtii kala baxsadey kiiskaas oo hada kasocda maxkamada magaalada Odensa

RH Kolding: Laba caruur ah oo reerkoodu deganyahay gobalka Fuun ayaa aabahood fasax ugu qaadey dalka Kenya, laakiin waxa ay dalka ka maqnaayeen mudo afar sanno ah. 
 
Mudadaas  afarta sanno ah, hooyada caruurta dhashay oo ku nool Odensa,  waxay ku jirtey hubanti la,aan ku saabsan meesha ay ku sugan yihiin labadeedii caruur ahaa oo ku jiray da’da qaangaadhka ama tiinayjka.  
 
Waxay ahayd inay soo  laabtaan caruurta iyo aabahood  bilowgii sannad dugsiyeedkii 2017 kii mase dhicin.  

afar sano ka dib – dhammaadkii 2021kii ayay carruurtii ku soo laabteen Danmark. 
 
Hadda aabaha dhaley caruurta oo da,diisu tahay 44 sanno asalkiisuna kasoo jeedo Soomaaliya ayaa lagu soo oogay Maxkamad, waxaana loo cuskadey edaytiisa qodobo dhawra oo ay kamid tahay in uu dhaqan celis u qaadey caruurta iyo sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay in inantiisa oo markaas laba iyo toban  jir aheyd u iibiyey arin la xidhiidha galmo taas oo looga jeedo in uu nin aaney rabin ku daray isaga oo ninka lacag kaqaatey arintaas oo dhacdey intii ay dalka ka maqnaayeen. 
 
Hooyada oo la weydiiyey sida ay kusuurto gashay arintani ayaa ku micneysay in aysan la nooleyn aabaha markii uu caruurta afrika u qaadayey. 
 
Dhowr jeer ayay taleefoon kula xiriirtay intii ay safarka ku maqnaayeen. 
 
"Wuxuu ku jawaabay: Hadda ma aha, laakiin carruurta waan soo cellindoonaa marka ay dalka soo bartaan " ayay tidhi haweeneyda, oo maxkamadda ku jirta oo xidhan xijaab. 
 
Dacwad oogaha Maria Blomstbjer ayaa waydiisay in ay u aragto in cudadaarkiisu aanu ahayn mid ay ku qanacdey iyo inkale. 
 
"Haa, boqolkiiba boqol," ayay ku jawaabtey haweenaydu. 
 
Marka loo eego sharraxaadda hooyada, eedaysanuhu ma sheegi doono halka ay Kenya carruurtu joogeen. 
 
Waxay sheegtay inay Kenya ku leedahay qaraabo ay u dirtay inay raadiyaan carruurta. Laakiin ay kasoo quusteen. 
 
sannadkii labdii kun iyo labaatankii ayay hooyadu ku guuleysatay inay aabaha ka xaqiijiso in caruuto ku suganyihiin Soomaaliya. 
 
Eedeysanaha ayaa sheegay, sida ku cad sharraxaadda hooyada, in aaney macluumaadka ugudbin booliiska ama kumuunahan Odensa. 
 
"Haddii aad sheegto, dib uma arki doontid carruurtaada," ayuu yiri eedaysanaha, sida ay haweeneydu maxkamada u sheegtay. 
 
Hooyadu waxay sharraxday inay samaysay qorshe ku saabsan sidii carruurtu guriga ku iman lahaayeen. 
 
balse qorshuhu waxa uu ahaa, si faahfaahsan uma ay sheegin. 
 
Dacwad oogaha Maria Blomsterbjer ayaa markii ay soo bandhigaysay kiiska sheegtay in caruurtu ay Denmark ku soo laabteen "iyagoo kaashanaya hooyadood iyo maamulka Denmark". 
 
Eedeysanaha waxaa la xiray afar iyo labaatankii Janaayo laba kun laba io labaatankii , waxaana la saarey maxkamad maallintii xigtey, Tan iyo mallintaas xabsiga ku jiraa oo waxa uu sugayaa xukunka kama dambeysta ah balse isagu diiday dhammaan eedaha waxaanu sheegay in aanu gallin eedaha loo haysto. 
 
Ninkan ayaa ku andacoonaya in uu ku qasbanaa in uu sii joogo Afrika, maadaama oo laga saarey gurigii  uu ka deganaa Denmark intii uu safarka ku maqnaa. 
 
Eedaysanuhu wuxuu rumaysan yahay in eedaymaha lagu soo oogay ay ka been abuurtay xaaskiisii ​​hore, "maxaa yeelay waxay doonaysaa in caruurta igala wareegto ama qaadato ". 
 
Eedaas oo ay haweeneydu si cad u diiday. 
 
Xukunka kiiska ayaa la filayaa dhammaadka Abriil ama bilowga bisha may ee isla sannadkan aynu ku jirno in uu dhaco. 

Category