Yurub oo ka gacantaagatey qulqulka muhaajiriinta. 

RH: Todoba dal oo ka mid ah midawga yurub isla markaasina uu ka midyahay wadanka Denmark ayaa warqad wada jir ah u qoray madaxweynhaha midowga yurub iyaga oo sheegay in dib loo eegoo siyaasada muhaajiriinta iyo sidii loo xakameynlahaa muhaajiriinta shircidarada kusoo galaya dalalka koonfurta yurub sida talyaaniga, arinta walaaca keentay ayey ku sheegeen in kaliya sannadkii hore la diwaan galliyey 4 milyan oo ka soo qaxey Yukrain iyo 960 kun oo tahriib ku soo galay haba u badnaadeen kuwa doomaha kuyimaada e. waxay sheegeen hadii aan dhakhso xal loogu hillin in sanadba ka ka dambeeya ay kasii badan doonaan ilaa aynu ku hafano oo xadidikariweyno. 

Waxa ay sheegeen in ay hada soo tahriibayaan dalal aan dadkoodu hore u soo tahriibijirin oo aan dalalkooda wax dagaal ahi kajirin oo nolol ta kayimaadeen dhaanta raadinaya dalalkaas waxaa ka mid ah Lubnaan iyo Tuunisia. 

Taas oo ay sheegeen in aan qorshahoodii hore aaney ku jirin in ay magangalyo siiyaan dad nolol raadis ah balse siyaasadoodu ay ku qotantay magangalyo doon kaliya. 

Waxa ay sheegeen in loo baahanyahay sidoo kale in dib loo eego heshiiskii Deblin maadaama oo aanen xaqsoor aheyn sida dalalka yurub usaameeyey qulqulka muhaajiriinta iyo culeyska ay la yimaadeen, waxa ay sheegeen in dalka qaar ay magangalyo doonkii iyo muhaajiriintii wadooyinka jiifaan sida Caasimada Biljimka ee Brugseless oo aaney hore taasi looga baran. 

Hayad saadaadaalisa qulqulka muhaajiriinta iyo xal u helidooda oo ka diwaan gashan Denmark ayaa sheegtay in uu xalku noqonkaro in lahelo dal aan yurub aheyn oo heshiis lagula galo in uu dadkaas dibu dejin u sameeyo , inta kii muteystay loo soo qaadayo yurub, talaabadaas oo hore uuqaadey dalka Ingiriiska oo heshiis la galay Ruwanda. 

Kala soco Radio Hormuud warar maallinle  ah. 

Category