Madaxweynaha Jabuuti oo maalintii labaad ku sugan Muqdisho

Muqdisho (RH)-Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta oo Khamiis ah si wadajir ah xarriga uga jaray dhismaha akadeemi goboleedka Af Soomaaliga AGA oo laga dhisay magaalada Muqdisho.

Akadeemi goboleedka Afka ayaa labada madaxweyne ay dhaggax dhigeen 21-kii Febraayo sannadkii 2015-kii, waxaana labada madaxweyne ay sheegeen in xaruntan ay rabaan in la sii hormariyo maalinba maalinta ka dambeesa.

Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlayay fikrada ku timid xaruntan ayaa sheegay in ay ka timid Dr. Maxamed Afrax ayna ku gacan siiyeen siddii loo hirgalin lahaa.

Waxa uu sheegay in xaruntan ay noqon doonta mid xiriira bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in burburkii dalka afka Soomaaliga uusan horumar ka sameen.

Waxa uu sheegay in Akadeemiyadan ay noqon doonto mid ku taalla gobolka geeska Afrika sida Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Waxa uu ku baaqay in Akadeemiyad goboleedkan ay noqoto mid madax bannaan oo ka shaqeysa afka uun oo siyaasadda ka fog lagana hirgaliyo dhammaan dhulka Soomaalida iyo goobaha ay dagan yihiin Soomaalida ee gobolka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la hadlay labada golle ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku lahaa xarunta Villa Hargeysa oo ay joogeen labada guddoomiye.

Madaxweynaha Jabuuti oo maalintii labaad ku sugan Muqdisho

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category