Sawirro: Rabashado maalintii saddexaad ka socda Laasacaanood

Laasacaanood (RH)-Magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool waxaa maalintii saddexaad ka socda rabshado xiriir ah oo ka billowday markii dhawaan lagu dilay nin siyaasi ah oo la oran jiray Cabdifataax Cabdullahi oo loo yaqaanay Hadraawi kaasoo magaalada iyo gobolkaba aad looga yaqaanay.

Illaa iminka shan qof ayaa u dhintey rabshadaha ka socda Laasacaanood, waxaana u dambeeyay wiil dhallinyaro oo xaley u dhintey dhaawac ka soo gaaray rasaas ay fureen ciidamada balayska. Waxaa kaloo jira tiro dad ah oo dhaawacyo qaba, iyadoo xiran yihiin dukaamo iyo shirkado.

Dhinaca kale,Waxaa soo kordhaya tirada masuuliyiinta xilalka ka haya gobolka Sool, kadib markii rabshado xiriir ah oo ay dad ku dhinteen ay ka dhaceen magaalada Laasacaanood.

Waxaa ka mid ah masuuliyiinta is casilay guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool, Garyaqaan Maxamed Aadan oo muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in xilkii uu hayay inuu iska casilay, waxa kale oo is casishay madaxa ADIS-ka ee gobolka Sool Rood Maxamed Ibraahim, waxa kale oo is casilay guddoomiyaha cayaaraha gobolka Sool, Maxamuud Aadan Askar.

Dhammaan, dadkan waxa ay sheegeen in ay ka careysan yihiin wixii ka dhacay Laasacaanood, iyagoo sheegay in ay dhibka la qeybsanayaan shacabka magaalada.Rabashado maalintii saddexaad ka socda Laasacaanood

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi-Kenya

Category