Maxaa laga ogyahay safarka ii wasiir Mukhtaar Roobow uu ku joogo dalka Sucuudiga?

Riyadh (RH)-DalkA Saudi Arabia waxaa ku sugan wafdi uu ka mid yahay wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Sida ay noo sheegeen ilo ka agdhow wasiir Roobow, waxa uu u tegay Sucuudiga inuu soo guto Cimro, laakin waxa uu ka qeybgali doonaa isaga wafdiga la socda shir berri ka furmaya dalka Sucuudiga oo ay ka qeybgalayaan waddamada Islaamka kaasoo looga hadli doono arrimaha Xajka iyo Cumrada.

Waa markii ugu horreysay oo Sheekh Mukhtaar Roobow uu ambabaxo safar dibedda ah, tan iyo markii dowladda uu ka mid noqday, isagoo dhowr sanno ka hor ka baxay ururka Al-Shabaab kadibna isku soo dhiibay dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxaa laga ogyahay safarka ii wasiir Mukhtaar Roobow uu ku joogo dalka Sucuudiga?Maxaa laga ogyahay safarka ii wasiir Mukhtaar Roobow uu ku joogo dalka Sucuudiga?

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi Kenya

Category