Baasaboorka soomaaliya ma kamid yahay kuwa fiiso la'aanta loogu safri karo Kenya?

RH: Barnaamijkan cusub ee ay soo kordhisay dowladda Kenya ee loo yaqaanno ETA, waxa uu gebi ahaanba wax ka beddelay qaabkii safarka ee Kenya lagu tegi jiray, ma saameynayo bulshada bariga Afrika oo Soomaaliya ay dhawaan ku biirtay, laakiin Soomaaliya wuu saameynayaa”, sidaas waxaa yiri Abuukar Dhaqane oo ah milkiilaha shirkadda Dhaqane travel agency oo ka shaqaysa dhoofka la isaga kala goosho Soomaaliya iyo Kenya.

“Soomaalida ku soo safraya baasaboorka Soomaaliga ah, waxay u baahan doonaan in ay codsadaan fiisaha ama dal-ku-galka, waana isla sidii hore waxba lagama beddelin” ayuu yiri.

Dhaqane ayaa sidoo kale yiri, “Soomaaliya iyo dalal kale sida Afghanistan, Pakistan, iyo Yemen, si gaar ah ayaa loola socdaa baasaboorradooda marka hadda in baasaboorka Soomaaliga ah lagu tago Kenya bilaa fiisa wey adkaan doontaa”.

“Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in baasaboorka laga bedelo si la mid ah dalalka kale ee bulshada bariga Africa ay ku mideysan yihiin, ka dib ayey ka mid noqon kartaa dalalkaas aan looga baahneyn codsiga dalkugalka” ayuu sii raaciyay Dhaqane.

Category