Boqorada Denmark oo ka degaysa xilkii ay soo haysay 52 sannadood

RH: Boqorada wadanka Denmark ayaa  jeedisa qudbad sannadeed, sannad walba habeenka u dambeeya saacadu marka ay tahay 18:00 fiidnimo, Hadaba boqorada ayaa xalay uga faaideysatey khudbadeedii in ay dadweynaha Denmark ku wargalliso in ay xilkii ay soo haysay 52 sanno ka dagi doonto 14.01.2024  , kuna wareejindoonto wiilkeeda Frederik , boqorada ayaa waxaa xilkan boqortooyo loo cimaamadey  16.Abril.1958  , oo ku beegnayd dhallashadeedii 18 sanno.

Boqorka cusub Frederik ayaa da'ahaan jira 55 sanno , waxaanu dhashey 26.May.1968 kii, aabihiina waxa uu ka soo jeedaa dalka faransiiska, halka xaaskiisa Mary ay kasoo jeedo dalka Austaralia, waxay isu leeyihiin 4 caruura laba wiil iyo laba gabdhood.

 

 

 

Category