Denmark: Duufaan roob wadato ayaa laga cabsi qabaa beri

RH: Dabaylo xooggan, heerka biyaha oo sarreeya iyo hirarka sare waxay keeni karaan daad xeebaha koonfureed ee Danishka laga bilaabo subaxnimadii hore ee Jimcaha.  xogtan ayaanu kasoo xiganey hay'ada saadaasha hawada ee Denmark (DMI) waxaan ay hayadu  soo saartay digniin ay ku sheegtay heerka saddexaad ee duufaanta waana " jawi aad khatar u ah", taas oo, sida uu qabto hay'ada saadaasha hawadu waxay dabeysan daadka wadataa socontoontaa tan iyo  subaxda Jimcaha ilaa subaxda Sabtida.

marka loo eego cimilada Denmark heerkan 3aad  waa qaybta ugu sareysa ee la isticmaalo. Sidaas darteed, degmooyinka deegaanada laga hadlayo ayaa naftooda iyo shacabkoodaba u diyaarinaya duufaanta sugaysa.

duufaantu  waxay ku beegantahey  dekedda Åbenrå ee kjoonfurta-bari ee Jylland.  Hada ilaa 40 rag ah ayaa ku jira shaqada iyagoo soo saaraya waxa loogu yeero "Tubooyinka biyaha" ee ku teedsan carrigaasi.

Waxay noqon doontaa qiyaastii 80 cm jooga biyuhu marka ay  buuxsamaan , waxaase laga cabsi qabaa in ay karkaarada jabsadaan oo ay buuxdhaafaan eeriyada loo asteeyay. -

Waxaan ka baqaynaa in biyuhu ku qulqulaan bartamaha magaalada wayn ee Åbenrå.

xayndaabka jawaanada ciida lagu shubey si ay biyaha u celiyaan maaha mid joogiisu sareeyo oo ku filan, laakiin noocani waxay leeyhiin hab la badali karo oo haduu hayn waayo ku dari kara 80 cm oo dheeraada

in ay ku filan tahay iyo inkale , way adag tahay in la sii ogaado, ayuu yidhi Holger Andersen, oo ah madaxa  xaaladaha degdegga ah ee dab-damiska iyo samata bixinta Sønderjylland.

 

Category