Denmark oo saaka degan duufaantii shalley kadib

RH: Duufaanta ayaa sababtay sababtey ay in biyaha badu sare ku kacaan waxaaney dhibaato dhaqaale oo weyn soo gaadhsiiyeen wadanka Danmark gaar ahaan koofunta Yuland, Fund, Loland iyo waqooyiga jasiirada shiilaand,

daadka ayaa ku soo jabey magaalooyinka waxaana balliyo noqdey goobo wadooyin ahaa, guryo badan ayuu daadku soo galley , doonyo ayuu burburiyey baabuul ayuu qaadey, geedo badan ayuu jajabiyey, guryo ayay dabayshii saqafka kala tagtey , waxaa hakadey isku socodkii gaadiidka iyo duulimaadada .

waxaana hada lagu jiraa sidii loo tiro koobilahaa baaxada  dhibaatada ay gaysatay duufaantii shaley ee heerkeedu ahaa 3aad. 

waxaase nasiib wanaag ah in dhibaatada ay gaysatey duufaanta ay inteeda badan bixindoonaan caymisyada ay dadku lahaayeen.

Category