Jabuuti oo bedeshay mawqifkeedii hore.

RH: Wasaaradda arrimaha Dibadda dalka Jabuuti oo war qoraal ah kasoo saartay damaca iyo xadgudubka Itoobiya ee ku aadan dhulka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in muhiim ay tahay ilaalinta madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah Urur gobolleedka IGAD.

“Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadda ah hoggaanka urur gobolleedka IGAD waxay xaqiijinaysaa inay si qoto dheer u ilaalinayso, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan dawladaha xubnaha ka ah ururka IGAD, sida ku cad heshiiska IGAD iyo xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti.

Jabuuti ayaa hore u sheegtay in ay dhexdhexaadk katahay arinka labadada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Warkaan kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Itoobiya ay rajo weyn ka qabto iney hesho dhul badeed iyo saldhig milateri oo laga siiyo xeebaha Somaliland, taasi bedelkeedana ay dowlad rasmi ah u aqoonsato Somaliland.

Talaabada Itoobiya iyo Somaliland ay qaadeen ayaa waxaa si adag uga horyimid madaxda sare ee dowlada Fedaraalka, Xukuumada iyo labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya iyo waliba dalal badan oo ka mid ah Caalamka.

Category