Xukuumada Somaliland ayaa beesha caalamka ugu baaqday in ay si deg deg ah usoo farogaliso xaalada amaan daro ee budhcad badeedu ka abuurtay Badda Cas.

RH: Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa kulan xasaasi ah oo ay isugu yeedhay wakiilada dalalka shisheeye ee Somaliland ku sugan iyo hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin, si ay ula wadaagto xiisada kasoo cusboonaatay Badda Cas, gaar ahaana budhcad badeeda.

"Si toos ah ayay ah ayay u taabanaysa isu socodka ganacsiga Somaliland, taas oo caqabad ku ah isu socodka badeecadaha, caqabadna ku ah horumarkeena dhaqaale. “Illaa 17,000 oo markab iyo 12% ganacsiga caalamiga ah ayaa sannad walba mara Badda Cas" Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa sida yidhi.

"Markab kasta oo mara kanaalka Suweys ee u socda ama ka imanaya badweynta Hindiya ayaa jidkan isticmaala, markaa waxaad arki kartaa sida xaaladdu u daran tahay.” Ayuu Wasiir Kayd sii raaciyay hadalkiisa.

Warsaxaafadeed kasoo baxday wasaarada arrimaha dibada ayaa lagu sheegay in Somaliland ay maamusho xeeb dherer keedu leegyahay 850 KM, isla markaana ciidamadeeda xeebuhu ay ku guulaysteen in ay si buuxda u sugaan amaankeeda isla markaana ay Somaliland door wayn ka ciyaarto is waydaarsiga xogaha amaan ee Gacanka Cadmeed.

Xukuumadda Somaliland waxay ay sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta shuruucda caalamiga ah ee badaha, ayna beesha caalamka ugu baaqayso inay si degdeg ah oo degdeg ah wax uga qabtaan arrinta soo korodhay isla markaana ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato dadaallada amniga gobolka iyo iskaashiga si loo yareeyo khatar kasta oo gobolka ku soo wajahan.

Category