Denmark: Muslimiinta oo soo dhaweeyey mamnuucida gubida kibaabka quraanka ah

RH: Dalalka carabta iyo muslimiinta kale ayaa amaaney hidise sharciyeedka ay dawlada Denmark ku mamnuucayso gubida kutubta quraanka

Dalalka ay ammaanta ka heshay waxaa kamid ah  Ciraaq, halka Pakistan ay sharciga ku tilmaantay "tallaabo loo qaaday jihada saxda ah". Dhawr cod oo ka soo jeeda Carabta iyo dunida Muslimka ayaa si togan u eegaya hindise sharciyeedka lagu mamnuucayo gubista Quraanka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa ammaantay hindisaha Danishka, ayuu qoray wargayska Rudaw. Fiidnimadii Axadda ayay wasaaradda arrimaha debedda Denmark Ritzau u xaqiijisay, in wasiirka arrimaha debedda Lars Løkke Rasmussen (M) uu la xidhiidhay dhigiisa Ciraaq Fuad Hussein.

Sida laga soo xigtay Rudaw, wasaaradda arrimaha dibadda ee Ciraaq ayaa sheegtay in Fuad Hussein uu ku ammaanay sharcigan la ansixin rabo  Lars Løkke Rasmussen oo ah wasiirka arimaha dibada ee Denmark.

Tallaabo loo qaaday jihada saxda ah Daaciga caanka ah ee Ciraaq Moqtada al-Sadr ayaa isna soo dhaweeyay tallaabadaas. Waxa uu tan ku qoray baraha bulshada X sida uu sheegay Rudaw. Sidoo kale, sharcigan waxaa ammaanay ururka Jaamacadda Carabta oo ay xubno ka yihiin 22 waddan. Sidaas waxaa qortay warbaahinta Sacuudi Carabiya ee Arab News.

 

 

Category